1: Monday, June 3, 2013 - 10:40:23
2: 221 Jeer.

Madaxweyne Xassan oo Dhigiisa South Africa kala hadlay Dhibaateynta lagu haayo Ganacsatada Soomaalida.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

4545453343

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud, ayaa waxa uu Magaalada Yokohama ee dalka Jaban kulan Xasaasi ah kula qaatay Dhigiisa dalka South Africa Jakab Zuuma oo ka qeybgalaayay shirka Japan ay qabatay.

Madaxweyne Xassan oo ka careysan Qaabka ay Shacbiga South Africa ula dhaqmaan Ganacsatada Soomaalida ee wadankaasi ka xamaasha ayaa waxa uu si ganbasho la’aan ah kala hadlay Jakab Zuuma, waxyeelada ay Shacbigiisa ku hayaan Soomaalida waxa uuna Madaxweyne Xassan wax laga caroodo ku tilmaamay dhaqanka ay ku dhaqmayaan Reer South Africa isagoona sheegay in Dowladda ay arrintaasi ka gaabsato.

Afhayeenka Madaxtooyada Somalia En. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in kulanka labada Madaxweyne uu ahaa mid diirada lagu saaraayay Xiriirka labada dal iyo sida loo hagaajin lahaa Ammaanka Ganacsatada Soomaalida ee South Africa.

En. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, waxa uu sidoo kale, sheegay in Madaxweynuhu dhiggiisa dalkaasi uu ka dalbaday in sida ugu dhaw wax looga qabto tacadiyada Soomaalida dalkaasi ay la kulmaan .

Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha dalkaasi uu ka aqbalay codsiga kaga yimid Madaxweynaha Soomaaliya isla markaasin arintaasi ay baaritaan kusameyn doonaan sida ugu dhaw.

Madaxweynaha South Africa Mr. Jakab Zuuma, ayaa geesta kale Madaxweyne Xassan u ballan qaaday in Xukuumadda South Africa ay xoojin doonto Xiriirka kala dhexeeya Somalia, waxa uuna sidoo kale Ballan qaaday in Dowladda Somalia ay ka cabin doonaan dhinacyadda Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Tababarida Ciiddamadda.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xassan Sheikh, ayaa waxa uu dhigiisa South Africa uga mahad celiyay qaabta Siyaasadeed oo ay Dowladda South Africa ula shaqeyneyso Dowladda Somalia, isagoona mahad gaar usoo jeediyay Diplomaasiyiinta la socday, Jakab Zuuma.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed