1: Saturday, June 7, 2014 - 16:49:51
2: 36 Jeer.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadihii safiirnimo ka guddoomay Safiirka Slovakia ee Soomaaliya

Waxaa Qoray:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadihii safiirnimo ka guddoomay safiirka dowladda Slovakia u soo magacawday Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha iyo safiirka oo ku kulmay xarunta Madaxtooyada ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sida lagu xoojin karo.

Safiirka Slovakia u soo magacawday Soomaaliya Danjire Michal Mlynar ayaa kahor inta uusan Madaxweynaha ka guddoomin Warqadihiisa aqoonsi, waxa uu xarunta Wasaaradda arrimaha dibedda kula kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ka wada hadlay arrimo badan oo xaaladda labada dal ku saabsan.

Intaasi kaddib ayay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha dibedda waxa ay Safiirka u gudbiyeen xarunta Madaxtooyada Qaranka, waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Safiirka ka guddoomay Warqadaha aqoonsi ee safiirnimo, iyagoo wada qaatay kulan looga hadlayay xaalada labada dal.

Wasiir kux-geenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo safiirka Dowladda Slovakia u soo magacawday Soomaaliya Danjire Michal Mlynar oo si wada jir ah saxaafadda ula hadlay ayaa ugu horeyn Wasiir ku-xigeenka waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan safirka cusub, isagoo tilmaamay in arrinta ay xoojineyso cilaaqaadka labada dal, islamarkaana uu Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya booqan doona dalka Slovakia.

Safirka dowladda Slovakia ee Soomaaliya Danjire Michal Mlynar ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka guddoomo Warqadihiisa aqoonsi, waxaana uu balan qaaday inuu xoojin doono cilaaqaadka labada dal isagoo xusay in Soomaaliya ay ka caawin doonan dhinacyo badan sida dhaqaalaha waxbarashada, caafimaadka iyo mashaariicda kale ee dalka lagu hormarinayo

Tani ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladda ugu jirto xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka caalamka, iyadoo haatan ay isa soo tarayaan dowladaha safiiro u soo magacaabanaya Soomaaliya.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨