1: Sunday, June 30, 2013 - 17:44:38
2: 398 Jeer.

Madaxweyne Morsi oo maanta loo badinaayo in laga raray Madaxtooyadda.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Egypt's Islamist President-elect Mohamed Mursi delivers a speech while surrounded by his body guards in Cairo's Tahrir Square

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi, ayaa Xukunkiisu galay Marxalad aan la saadaalin karin oo ay dhinaca kareyso in uu maro halkii Mubaarik.

Waxa mar kale Maalmihii u danbeeyay dib loogu arkayay beerta Taxriir kumanaan shacab ah oo halkaa isku urursanaya kana soo horjeeda dhabaha Xukuumada Morsi cagta saartay.

Shacabka oo hore ugu ballan sanaa maanta in la qabto Mudaharaad aad u ballaaran ayaa maalmihii ina dhaafay muujinayay ka soo horjeedkooda Xukuumada.

Magaalada Alexandria ayaa todobaadkan ay isu soo baxyo rabshado watay ka dhaceen.

Waxaana ay taageereyaasha Ikhwaanka ka taliya Masar ay dhankooda wacad ku mareen in ay dhiigooda ku difaaci doonaan xukuumada Mursi.

Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni iyo Qoyskiisa ayaa laga saaray Madaxtooyada oo loo raray xarun ciidan oo ku taal Qaahira.

Tilaabadan ayaa muujineysaa in ay dhici karto in dalka Masar uu maanta taagan yahay marxalad kala guur ah.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed