2: 492 Jeer.
Madaxweyne Cabdifatax Al Sisi oo xilka loo dhaariyay iyo Mas’uuliyiin badan oo aan ka qeybqaadan
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Munaasabad xil dhaarin ah ayaa waxa ay maanta ka dhacday Magaalagaalada Qahira ee Dalka Masar.
Munaasabada ayaa waxaa xilka kula wareegayay Madaxweynaha Cusub dalka Masar Cabdifatax Al Sisi oo la sheegay inuu ku guuleystay doorashadii Masar ka dhacday.
Madaxweyne Cabdifatax Al Sisi ayaa waxaa maanta lagu dhaariyey Xarunta Maxkamada sare ee Magaalada Qaahira, oo ah goobtii labo sano kahor lagu dhaariyey Madaxweynihii shacabka doorteen Maxamed Morsi oo hada xabsi ku jira.
Shacabka iyo waxgaradka Dalka Masar ayaa waxa ay soo dhaweeyen Dhaarinta Madaxweynaha Cusub ee Dalka Masaru u yeeshay waxaana Doorashadaani Sisi lagu doortay lagu tilmaamay mid lamid ah kuwii xiligii Mubaarik, isla markaana aysan ka qeyb qaadan inta badan shacabka Masar oo diiday inay codkooda ka dhiibtaan doorashadaasi lana aaminsan yahay inay Taageersan yihiin Maxamed Mursi, halka ay Taageerayaasha Sisi ay iyaguna codkooda ugu shubeen Madaxweynaha Cusub.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨