2: 426 Jeer.
Madaxweynaha Masar oo xukunka laga tuuray iyo isaga oo lagu amray inuusan ka bixi Karin Dalka.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka ka imanaya dalka masar ayaa sheegay in xalay militariga dalka masar ee awooda kala wareegeen madaxweynaha dalka Masar Mohamed Morsi.
Madaxa ciidamada qalabka sida ee dalka Masar Cabdifataaxi Siis oo qalabka warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida uu af-gebiyay Madaxweyne Mursi, isagoo sheegay in tallaabadan uu ciidanku u qaaday si uu u xaqiijiyo rabitaanka shacabka.
Awoodda dalka Masar waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada, Maxamed Mursi oo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay kama uusan hadlin afgembiga.
Arintan ayaa waxey ka dambeysay kadib markii ay militariga dalka Masar ee Madaxweyne Morsi u qabteen mudo 48 saacadood gudohood inuu ku kala diro dadka banaan baxa ka wada fagaaraha tahriir Squera ee magaalda caasimada ee Qaahira.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo xubno ka tirsan xisbigiisa Walaalaha Muslimiinta (Akhwaanul Muslimiin) loo diiday in ay dalka ka baxaan.
Taageerayaasha Mursi ee ku sugan Magaalada Qaahira ayaa si caro ay ku dheehan tahay kaga jawaab celiyay falka ay ku dhaqaqaaqeen Malitariga Masar iyagoo ku tilmaamay mid aan loo baahneyn.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Xuseen Obama oo ka hadlay arinta ka soo cusboonaatay Masar ayaa wuxuu sheegay in si aad uu kaga wal walsan yahay Xaalada Masar iyo afganbiga lagu sameeyay Mr Mursi.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨