1: Saturday, June 7, 2014 - 06:47:49
2: 354 Jeer.

Madaxa Alqaacidada Somalia Axmed Godane oo Jeelka dhigay Madaxii Amniyaadka Alshabaab

Waxaa Qoray:

Illo wareedyo ku dhaqan Degmada Baraawe ee G/Sh/Hoose, ayaa xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Godane uu amar ku bixiyay in la xiro Madaxii Amniyaadka Kooxda  ‘’C/raxmaan Qanaas’’

Xiliga la xiraayay C/raxmaan Qanaas waxaa la sheegayaa inuu ku sugnaa Aqalkiisa waxaana halkaasi kala soo baxay Gaari hubeysnaa oo ay la socdeen ciidamo Amniyaad ah oo si gaar ula shaqeeyo Hoggaamiyaha Alshabaab, waxa ayna dhigeen Xabsiga weyn ee uu Godane ku leeyahay Magaaladda Baraawe.

Warar hoose ayaa sheegaya in C/raxmaan Qanaas la faray in isaga iyo Asxaabtiisa ay Kharijiyaan Seddex Sargaal oo cadaan ah, islamarkaana mudooyinkaani lid ku ahaa Axmed Godane, hayeeshee uu arinkaasi ka biyo diiday  C/raxmaan Qanaas waxaana xigay xarigiisa.

Sidoo kale, warar kaasi Khilaafsan ayaa sheegaya in C/raxmaan Qanaas uu ahaa Saaxiib aad ugu dhowaa Madaxii hore ee Amniyaadka Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad ‘’Afgaani’’ sidaa darteena looga shakiyay inuu yahay ruux kasoo horjeeda Fakirka Axmed Godane taasina ay sababtay xarigiisa.

Dhanka kale, si dhab ah looma xaqiijin karo Sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay xariga C/raxmaan Qanaas, waxa uuna kusoo beegmayaa xilli in kabadan 70 Saraakiil can ah uu Godane xiray.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨