Waxaa la daabacay: Thursday, May 29, 2014 - 07:16:02
Waxaa la aqristay: 60 Jeer.

Madaafiic xalay lagu asqeeyay Saldhigyada iyo Xarumaha DFS ee Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo

Waxaa Qoray:

Wararka naga soo gaarayo Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Kooxaha Alshabaab ay Habbeennimadii xalay Madaafiic ku garaaceen Degmada Buur-dhuubo.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Degmada lagu tuuray Tiro Madaafiic ah oo geesatay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, Madaafiicda ayaa waxa ay ku dhacday Gudaha Degmada iyo sidoo kale Saldhig Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Duledka Koofureed ee Degmada.

Dhanka kale, waxan weli la sheegin halka uu gaarsiisan yahay Khaasaaraha ka dhashay Duqeynta, inkastoo Wararka qaar ay sheegayaan in Dad ay ku Geeriyodeen Madaafiicda Xalay.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Degmada ku sugan ayaa Keydmedia online u xaqiijiyey Madaafiicda Al-shabaab ay soo tureen.

Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa Al-shabaab,waxaa ay marar badan ay ku qaadeen Degmada iyo sidoo kale Fariisimo Ciidamada Dowladda ay halkaasi ku leeyihiin.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨