2: 319 Jeer.
Madaafiic dukun daakun looga dhigay Garoonka Kismaayo.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka laga helayo Magaalladda Kismaayo, ayaa sheegaya in Habeennimadii xalay saqdii dhexe Weerar Hoobiyayaal ah lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Kismaayo xilli ay halkaasi ku sugnaayeen Saraakiil Kenyaati ah.
Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Kismaayo Carab Axmed Cali, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa waxa uu sheegay in Maleeshiyo taabacsan Alshabaab Hoobiyayaal ay xalay ku garaaceen garoonka Kismaayo.
Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Kismaayo Carab Axmed Cali, ayaa sheegay inta uu socday Weerarka ay iska caabbin sameeyeen ciidamadii garoonka ku sugnaa gaar ahaan kuwa Kenya.
Maareeyaha ma uusan sheegin Khaaraha dhabta ah ee Ciiddamadii ku sugnaa garoonka kasoo gaaray, balse waxa uu Tilmaamay in Ciiddamadda ay dadaal muujiyeen iskana caabiyeen Raggii Weerarka geystay.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay Alshabaab weerar ku qaadan garoonka Kismaayo, waxaana jirtay dhowr jeer oo hore oo ay weeraro Khasaare geystay ku qaaden Alshabaab garoonka Kismaayo weeraradaasi oo Khasaara geysanaayay.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨