1: Tuesday, June 18, 2013 - 19:02:59
2: 134 Jeer.

Macalinkii xulka 21 jirada Ingriiska oo shaqadii laga eryay

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

stu343849-1A443AE1000005DC-155_636x368
Xiriirka wadanka Ingriiska ee FA –ga ayaa ku dhawaqay in aaney heshiis cusub la siineyn tababaraha xulka21 jirada Ingriiska Stuart Pearce.

Stuart Pearce ayaa waxaa heshiiska uga dhiman 12 maalmood oo kaliya.

Gudoomiyaha FA –ga David Bernstein ayaa usheegay fa.com “ waxaan jeclahay in aan uga mahad celiyo Stuart Pearce shaqadiisii adkeyd,qofna shaki ma galin karo shaqadisii wanaagsaneyd ee uu qabtay intii uu waday xulka 21 jirada.

“Hada waxaan dooneynaa in aan is badal sameyno ma cusubooneysiineyno heshiiskiisa waa waqtigii aan macalin cusub udhiib laheyn 21 jirada ayuu hadalkiisa ku daray.

Macalinkii hore ee Man City Stuart Pearce ayaa lix sano maamulayay xulka 21 jirada England ,waxaana ay sanadkan sharaf dhac uga soo laabteen koobka 21 jirad yurub.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed