2: 473 Jeer.
Macalinka Spain oo Thiago Alcantara ugu baaqay in uu sii joogo Barcelona
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Qorshaha Manchester United ee ku wajahan Thiago Alcantara ayaa waxaa la soo darsay culees kadib markii tababaraha xulka Spain , Vicente del Bosque uu xidigaan ugu baaqay in uu sii joogo kooxdiisa Barcelona.
Tababare cusub ee Man United ,David Moyes ayaa diiradu usaarneyd laacibka Spain kadib markii uu ku soo aaday xili uu garoomada ka baxay Paul Scholes ,waxaana uu doonaya in uu badal uga dhigo.
Laakiin macalinka Spain ayaa ka codsaday Alcantara in uusan bixin.
Thiago ayaa aaminsan in uusan waqti dhow boos ka heli doonin Barcelona madaama ay ka horeeyaan Xavi, Andres Iniesta iyo Cesc Fabregas
“Waxa ugu muhiimsan Thiago waa in uu uciyaara si wanaagsan kulan walba,waxaa jira boosas badan,waxaan umaleynaya in uu boos ka heli doono Barcelona ,waana in uusan deg degin ayuu Vicente del Bosque usheegay jariirada AS .
United ayaa 22 jirkan ku dooneysa aduun dhan £17million.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨