2: 430 Jeer.
Macalinka Holland oo Wesley Sneijder ugu baaqay in uu ku biiro Chelsea
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Tababaraha xulka Holland Louis van Gaal ayaa ugu baaqay laacibka khadka dhexe ee Holland, Wesley Sneijder in uu ku biro kooxda Chesea ee wadanka England.
Maskaxda dhexe ee Holland ayaa lala xiriirinayay mudooyinkan labada koox ee reer London ee Tottenham Hotspur iyo Chelsea ,laakiin Van Gaal ayaa ugu baaqay in uu aado Chelsea.
Sneijder oo laga xayuubiyay xilka kabtanimo ee Holland ayaana xita loogu yeerin safarka Holland ee Asia waxaana uu Van Gaal usheegay in uu sumcada soo ceshan karo hadii uu ku biiro Chelsea.
“Hada waxaa lagu dooboon in uu hor mariyo xiisaha Chelsea ,waxaa uu soo ceshan karaa kal soonida xulka hadii uu ku biro Chelsea ayuu Luis Van Gaal usheegay Algemeen Dagblad.
“Waxaan ogahay in uu xiriir fiican la eeyahay Jose Mourinho waana uu ku biiri karaa Chelsea ayuu hadalkiisa ku daray.
Wesley Sneijder ayaa hada ka tirsan kooxda Galatasary
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨