2: 440 Jeer.
Macalin Wenger Hadii uu waayo ciyaaryahanadaan Gonzalo Higuain, Stevan Jovetic iyo Rooney, Yuu ka badali Doonaa Booskooda?
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay baadi goobeyso weeryahankii badali lahaa Robben Van Persie, kaas oo xagaagii la soo dhaafay ku biiray kooxda Manchester united, isagoona weeryahan buuxa suuqa ka raadinaya Macalin Arsern Wenger
Macalinka Arsenal ayaa sheegay inuu doonayo xidigaha kala ah Gonzalo Higuain, Stevan Jovetic iyo Rooney, waxa uuna Wenger tilmaamay in weeryahanadaan midkood uu la soo wareegi doono, hadii uu waayana uu hamigiisa u weecin doono ciyaaryahan Michu oo ka tirsan kooxda Swansea
Sportsmail ayaa saaka ku warantay in macalin Wenger uu dooqiisa u wareejiyey xidiga kooxda Swansea Michu, walow uusan sheegin qiimaha rasmiga uu ku doonayo laacibkaan u dhashay waddanka Spain
Michu ayaa kooxda Swansea kaga soo biiray kooxda Rayo Vallecano, iyagoona kula soo wareegay lacag gaareysa £2million, waxa uuna kooxdiisa Swansea u horseeday inay qaadaan koobka Carling Cup, isagoona u dhaliyey 22- Gool xilli ciyaareedkaan
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨