2: 836 Jeer.
Maamulka Somaliland oo jabiyay Qodob ka mid ah Qodabadii Turkiga lagu kala saxiixday.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland, Xubina ka ah Xisbil-xaakimka KULMIYE,ayaa ku hanjabay in ay gabi ahaanba Somaliland ka bixi doonto wadahadalka u socday Soomaaliya, haddii ay dawladda federaalka ahi joojin weydo daandaansiga iyo fero-gelinta ay ku hayso madax-bannaanida iyo Qarannimada Somalilandka.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) kana mid ah Maamulka, ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay tahay magac-u-yaal ay dunidu aqoonsan tahay oo keliya, balse aanay maamul ahaan iyo dhisme ahaan midna u jirin.
Guddoomiye Jaamac-Shabeel, ayaa sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay shabakada Somalilandnew isagoo ku sugan magaalada Hargeysa.
Waxa uuna yiri “Hadal la iska yiraahdaa wax uu tarayaa ma jirto, Somaliland iyo Itoobiyana xiriirka ka dhexeeya horena Xamar looguma soo marin immikana waxba laga weydiin maayo, waxaana wanaagsan in ay dantooda ka shaqeeyaan’’Sidaa waxaa yiri Jaamac Ismaaciil Cige.
Waxaanu Jaamac-Shabeel intaa sii raaciyey oo uu yiri; “Waxay Xukuummadda Xasan Sheekh ee ay gaarka ka hayaan Ciidammada AMISOM ee caalamku u soo qaaraamay ay ka dhigan tahay Baqal Fardo la daaqday dhiggooda ayay is-mooddaa. Markaa, waxaan leeyahay dawladnimadu maaha shirarka caalamka aad kaga qayb-galaysaan iyo aqoonsiga dunidu aad ka hesheen ee waxay dawladnimadu ku jirtaa waxaad qabsataan.” Sidaa waxaa yiri Jaamac Ismaaciil Cige.
Mar wax laga weydiiyay Midnimadda Somaliweyn ayaa waxa uu ku jawaabay “Waxaanan kula talin lahaa in aanay wakhti dambe is kaga lumin midnimo iyo Soomaaliwayn, waayo intay murmayeen ayuu dadkani dalkiisa ka shaqaystay oo uu wax qabsaday, waxaanay ahayd in ay wax ku qaataan oo ay taa naga bartaan, isla markaana dib-u-eegaan Xukuumadihii ka horreeyay 20 sano waxay u dhaqaaqi waayeen oo ay jidkaa ka leexdaan’’ sidaa waxaa yiri Jaamac Ismaaciil Cige.
Si kastaba ha ahaatee, Dhawaan ayee aheyd markii ay Maamulka Somaliland Shaaciyeen in Xukuumadda Somalia ay jabisay Qodobadii lagu heshiiyay Dalka Turkiga, waxaana xigtay in Siyaasiyiin uu kamid yahay Faisal Cali waraabe iyo Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay Aflagaado kala duwan u geysteen Xukuumadda Somalia, halka Qodobada qaarna ay ka jabiyeen.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨