Waxaa la aqristay: 160 Jeer.
Maamulka Gobolka Banaadir oo Kaxda Shiiqaal u aqoonsaday Degmo sharci ah.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan maxamed Xuseen Muungaab ayaa ku dhawaaqey in dagmada Kaxda ay tahay dagmo sharci ah kana mid ah 17ka Dagmo ee Gobolka banaadir, sidii ay awlba u ahayd, isla markaasna uu yahay go’aan kasta oo arintaas ka hor imanaya waxba kama jiraan.
Muungaab ayaa og’aankaas ka sheegay Shir laba geesood ah oo ay ku yeesheen xarunta Gobolka banaadir Maamulka Gobolka iyo Odayaal, Xildhibaano iyo aqoonyahan kasoo jeeda dagmada Kaxda ee magaalada Muqdisho
Odayaasha Dhaqanka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa soo dhoweyay Go’aankii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu kaga laabtay sax ahaanshaha Degmada Kaxda.
Beri ayaa la filayaa in Gudoomiyaha Degmada uu fariisto Kursiga Degmada ee Kaxda markii in muda ah uu ka maqnaa fagaariyaasha ay isugu imanayaan Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolkan.
Nabadoon Maxamed Cismaciil oo ka mid ah waxgaradkii galangalka ku lahaa dadaalkan Degmada Kaxda ay kula soo laabatay kursigeeda ayaa sheegay in wixii xiligan ka danbeyay ayan qabin wax wal wal ah.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨