2: 612 Jeer.
Lix ciyaariyahan oo isku soo hartay xidiga ugu fiican koobka Confederations Cup.
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Fifa aya soo saartay lix ciyaariyahan oo isugu soo hartay tartanka bilada Golden Ball ee la siiyo xidiga ugu fiican koobka qaaradaha.
Laacibka cusub ee kooxda Barcelona Neymar ayaa hogaaminaya lixdan ciyaariyahan kaas oo sadex gool ka dhaliyay koobka qaaradaha .
Ninka ay isku wadanka yihiin ee Paulinho kaas oo dhaliyay goolkii ay ugu soo baxeen final-ka ayaa kujira liiska.
Kubbad sameeyaha xulka Tayaaniga Andrea Pirlo oo xulkiisa la reebay ayaa isna ku jira xidigaha utartama laacibka ugu fiican koobka qaaradaha.
Andres Iniesta, Sergio Ramos iyo Luis Suarez ayaa sidoo kale utartamaya laacibka ugu fiican koobka qaaradaha.
Abaal marintaan ayaa lagu dhawaqi doonaa marka ay dhamaato ciyaarta final-ka ee Brazil iyo Spain.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨