Waxaa la daabacay: Saturday, May 24, 2014 - 08:17:28
Waxaa la aqristay: 309 Jeer.

Liiska Ciyaaryahanada Manchester City ay fasaxeyso xagaagan

Waxaa Qoray:

manchester-city-norwich_1

Manchester City ayaa la sheegay iney fasaxeyso xiddigo badan waxaana ka soo muuqday magacyo weyn sida goolhaye Costel Pantilimon, Gareth Barry iyo Joleon Lescott

Dhamaan seddexdan ciyaaryahan ayaa waxaa uu dhacayaa heshiiskooda xagaagan,inkastoo ay ka filanaayeen heshiis cusub tababare Manuel Pellegrini.

Goolhayaha Romania Pantilimon ayaa u saftay City kaliya toddobo jeer Premier league xagaagii hore,laakiin waxaa uu saftay kulankii finalka League Cup ee Sunderland.

Lescott ayaan Man City isagana u safan tan iyo kulankii 5-0 ay ugu badisay Fulham bishii March,waxaana madaxa fulinta City Ferran Soriano uu sheegay toddobaadkii hore inuu fasaxyahay xiddiga England.

Dhinaca kale Bary oo xili ciyaareed fiican ku qaatay Everton misana 32 kulan garoonka ugu soo bilowday ayey City ku dartay liiskan.

Sidoo kale Thomas Agyiri, Alex Henshall, Kieran Kennedy, George Swan and Alex Tchuimeni-Nimely ayaana kooxda laga dirayaa.

Liiska Xiddigaha Man City ay fasaxeyso

Thomas Agyiri

Gareth Barry

Alex Henshall

Kieran Kennedy

Joleon Lescott

Costel Pantilimon

George Swan

Alex Tchuimeni-Nimely

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨