1: Sunday, June 23, 2013 - 08:54:26
2: 122 Jeer.

Kulamada caawa ee koobka qaaradaha- Nigeria iyo Uruguay midee usoo gudbi doonta semi final-ka?

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

confederation
Xulka Spain ayaa isagu usoo baxay heerka 4-ta koox ee koobka qaaradaha waxaana kulanka ugu dambeeya Group B ay caawa la ciyaarayan Nigeria .

Horyaalka qaarada Africa ee Nigeria ayaa ku qasban in ay garacan horyaalka aduunka ee Spain hadii ay doonayaan in ay soo garan semi finalka.

Nigeria waxaa ay wadataa sadex dhibcood oo qura.

Dhan kale Uruguay ayaa iyaduna caawa la ciyaari doonta Tahiti waxaana ay ku qasban yihiin in ay garacaan si ay ugu soo baxaan heerka 4-ta koox.

Uruguay ayaa iyaduna waxaa ay wadataa 3 dhibcood waxaana ay xaaladu tahay mid culus caawa lamana oga Nigeria iyo Uruguay mida usoo gudbi doonta semi final-ka

Labada kulan ayaa dhici doona isku waqti caawa 10:00

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed