2: 987 Jeer.
Kooxdee Bayer Munich ka hor istaagi karta difaacashada Champions League? –Guardiola ayaa ka jawabaya
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Tababaraha dhawaan sida rasmiga ah ula wareegay hogaanka kooxda Bayern Munich Pep Guardiola haatana isaga iyo kooxdiisa ay tababar ku qaadanayaan magaalada Tarintino ee dalka Talyaaniga ayaa ka hadlay sida uu ugu hanqal taagayo bilaabashada xili cayaareedka cusub madaama uu mudo dheer garoomada nasiino uga maqnaa wuxuuna sidoo kale ka hadlay awooda sare oo ay labadii sano ugu dambeesay muujineesay kooxda Juventus wuxuuna macalinkan qabiirka ah u arkaa Juve inay tahay naadi ku guuleesan karto koobka horyaalada Yurub xili cayaareedka nagu soo fool leh sidaa darted xushmad weyn ayuu u ahaa kooxdan ka dhisan magaalada Turin wuxuuna yiri
“Marka aan ka hadlo naadiyada halista nagu noqon karaan inaan difaacano Champion-ka waxaan si sahlan farta ugu muuqi karaa Juventus waayo waa koox awood badan sidoo kalena hormar weyn sameesay sidaa darted xushamd gaar ah ayaan u ahaa waana ka walaacsanahay halista nooga imaan karto:
42-jirkan ku can baxay aruursiga koobabka kuna guuleestay 14-koob mudadii 4-sano ee uu Barcelona horkacayaayay ayaa ka hadlay shaqada culus ee u taalo wuxuuna yiri
“Ma sahlano hogaaminta naadig 3-koob oo xariir ah ku guuleesatay hal xili cayaareed balse midaas waxay ii noqon doontaa dhiiri galin aan kaga faa’iideesan karo waxaana aaminsanahay in xidigaha Bayern ay guusha halkeedii kasii wadi doonaan marka uu xili cayaareedka cusub bilaawdo.
Waxaa Qoray: Sakariye Cabdi
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨