1: Sunday, July 7, 2013 - 20:02:21
2: 1,144 Jeer.

Kooxda uu ku biiri doono Robert lewandowski oo la shaaciyay –Waa kooxdee?

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

lawndowsi135D70E6000005DC-730_634x505
Macalinka kooxda Borrussia Dortmund, Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in laacibka waqtiga dheer bartilmaameedka u ahaa kooxda Manchester United, Robert lewandowsk uu ku biiri doono kooxda Bayern Munich sanadka soo socda.

Horaantii xagagan ninka Polish-ka ah ayaa rajeynayay in uu ku biiri doono Bayer Munich laakiin Dortmund ayaa diiday in uu kooxda ka tago xagagan bilabanaya.

Manchester United iyo Chelsea ayaa xiiseynayay xidigaan laakiin Klopp ayaa sheegay in uu kooxda sii joogayo xagagan ka hor inta uusan sanadka dambe udhaqaaqin Allianz Arena

“Waxaan umaleynaya in xaqiiqada la wada og yahay ,Roberto waxaa uu usocdaa in uu uciyaaro Bayer Munich xagaga soo socda ayuu usheegay Welt am Sonntag.

“Hada kaliya waxaa la sugayay in aan sheegno xiliga uu baxayo laakin waa hubanti in uu usocdo Munich ayuu hadalkiisa ku daray.

Bayer Munich ayaa xagagan ka iibsatay dhigeeda Dortmund Mario Gotze.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed