2: 694 Jeer.
Kooxda Arsenal oo gaartay Vietnam + DAAWO SAWIRAD
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kooxda Arsenal ayaa taariiqda markii ugu horeysay gaartay wadanka Vietnam halkaas oo ay kulan saaxibtinimo ku ciyaari doonaan .
Kumanaan taageerayaal ah oo reer Vietnam ah ayaa si weyn usoo doweyay kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Arsenal .
Kadib sadex maalmood oo ay joogeen magaalada Jakarta ee wadanka Indonesia , ayaa waxaa ay The Gunners 7-0 ku macsalaameysay jamaahiirta wadankaas.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hanoi ee caasimada Vietnam ayaa si diiran loogu soo dhoweyay Wenger iyo wiilashiisa .
Madaxa fulinta ee kooxda Arsenal ,Ivan Gazidis iyo agaasimaha farsamada Tom Fox ayaa qeyb ka ah safarka ay kooxdu ku mareyso bariga fog ee Asia.


FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨