2: 94 Jeer.
Kooxaha Inter & Juve oo is ku heysta ciyaaryahan u safta kooxda Napoli.
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kooxaha Juventus iyo Inter ayaa labaduba waxa ay isku heystaan ciyaaryahanka kooxda Napoli garabka ugu ciyaara Juan Zuniga, sida laga soo xigtay jariirada Tuttosportmaanta.
27-sano jirkaan ayaa heshiiska uu la leeyahay kooxda lagu naaneeso Partenopei waxa uu ku egyahay bisha June sanadka 2014, waxa uuna iminka sugayaa in heshiiska loo krdhiyo.
Ciyaaryahankan u dhshay dalka Colombia ayaa waxa uu xili ciyaareedkaan ka soo bandhigay horyaalka Talyaaniga ciyaaro aad loo jecleystay.
Kooxda ku ciyaarta garoonka Stadio San Paolo ayaa waxa ay sheegtay hadii ay lacago macquul ah loo sheegay ay iibin doonto ciyaaryahankan sidaasna waxaa lagu qoray Tuttosport, kooxaha Bianconeri iyoNerazzurri ayaa hada waxa ay u muuqdaa in ciyaaryahanka Zuniga ay heli karto kooxdii lacag badisa..
Antonio Conte kooxda uu hogaamiyo ayaa aad ugu baahan xidigaan,balse macalinka cusub ee kooxda eeWalter Mazzarri oo sanadkan laylinaayay kooxda Napoli ayaa waxa uu doonayaa in mar kale uu ciyaaryahankan macalin u noqdo waxa uuna diyaar layahay lacago gaaraya €7m .
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨