2: 1,249 Jeer.
Khilaaf xoogan oo ka dhex dhashay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Tarsan. (Akhriso Sababta).
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Illo-wareedyo ku dhow-dhow Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Somalia C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegaya inuu Wasiirka ku howlan yahay Qorshe xil ka qaadis loogu sameynaayo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Ahmed Nuur (Tarsan).
C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, ayaa wado Ololo uu ku doonaayo inuu xilka kaga qaado Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Tarsan kadib markii uu Khilaaf ka dhex dhashay Wasiirka iyo Guddoomiyaha.
Wasiirka oo Muddo ku howlan sidii Tarsan Xilka looga qaadi lahaa looguna dhiibi lahaa Gen. Xasan Mungaab oo iminka ah Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada, mas’uulkan oo hore ugu fashilmay inuu ka mid noqdo xildhibaanada dowladda Federaalka.
C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxa uu dhawaan ku eedeeyay duqa Muqdisho amar diido kadib markii uu Mas’uulkani ka hor yimid wareegto uu Wasiirka arrimaha gudaha dib u magacaabay xilka agaasimaha waaxda dhulka ee dowladda hoose ee Gobolka Banaadir nin lagu magacaabo Cabdikarin Cali, xilkan ayaa la sheegay inuu hore uga qaaday Gudoomiye Tarsan.
Agaasimaha uu xilka dib ugu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha ayaa la sheegay in xilka looga qaaday fadeexad ku saabsan dhul dan guud ah oo uu si xatooyo ah u sharciyeeyay dad caadi ah, taasoo keentay inay isku dhacaan isaga iyo guddoomiye Tarsan.
Xiriirka ka dhexeeya Wasiirka iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ayaa sii xumaanaya, iyadoona la sheegayo in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Xilli uu ka qeybgalay Shir madaxda sare u socday uu u baxsaday Wasiirka taasoo sii xoojisay Khilaafka labada Mas’uul.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Maxamed Ahmed Nuur (Tarsan), ayaa waxa uu dhowr mar ka biya diiday Digreeto xil ka qaadis ah oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka taasoo Buuq ka dhex abuurtay Madaxda sare Xukuumadda kadib markii la sheegay in Wasiirka uusan marin wadadii sharciga aheyd.
Ugu dambeyntii, Khilaafkan u dhexeeya Labada Mas’uul, ayaa waxa uu iminka gaaray heerkii ugu sareeyay toddobaadkii hore markii uu soo dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo baraarugay qorshaha wasiirka arrimaha gudaha, iyadoo la sheegay inuu si weyn uga xumaaday go’aankaasi deg dega ah ee uu ku dhaqaaqay Wasiirka.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨