2: 1,074 Jeer.
Khilaaf xoogan oo ka dhex dhashay Axmed Madoobe iyo Prof Gaandi. (Waa maxay Sababtu).
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka naga soo gaaraya Magaalladda Kismaayo, ayaa sheegaya inuu xumaaday Xiriirkii u dhexeeyay Axmed Madoobe iyo Prof Maxamed Cabdi Gaandi kadib markii ay isku Khilaafeen Amaro dhawaan ay bixisay Xukuumadda Kenya.
Khilaafka labada Mas’uul ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka bilowday ka gadaal markii Xukuumadda Kenya ay Prof Gaandi ku eedeysay inuu fara galin hoose ku haayo Arrimaha Kenya ee ku aadan Kismaayo.
Illo-wareedyo ku dhow-dhow Axmed Madoobe, ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u sheegay in Xukuumadda Kenya ay Prof Gaandi ku eedeysay inuu musuq-maasuqay Siyaasad kala dhexeysay Kenya, isla markaana u gudbiyay Ahlu sunna Wal-jameeca taasoo markii dambe gacanta kasii baxday isla markaana saameyn ba’an ku yeelatay Siyaasadda Axmed Madoobe.
Waxaa iminka meesha ka baxay Xiriirkii u dhexeeyay Axmed Madoobe iyo Prof Gaandi oo horay u ahaa Saaxiibo dhow oo u heshiiyay Xukuumadda Somalia, wallow Gaand uu faafiyay Qorshooyin ay Xukuumadda Kenya ka waday gudaha Magaalladda Kismaayo.
Ugu dambeyntii, waxaa iminka socta waan-waan ay wadaan Odayaal dhaqmeed doonaayo inay isu soo dhaweeyan Axmed Madoobe, Kenya iyo Prof Gaandi, inkastoo ay Odayaasha sheegen haddii la waayo isu soo dhawaansho dhex marto Saddaxdaasi dhinac uu Gaandi baahin karo Sir badan oo uu iminka qarinaayo.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨