2: 1,730 Jeer.
Khilaaf kii ugu xumaa oo ka dhex curtay Xassan Sheikh,Shirdoon iyo Prof Jawaari. (Akhriso sababta Khilaafka)
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Illo wareedyo ka tirsan Xukuumadda Somalia, ayaa waxa ay Shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijisay in Khilaaf xoogan uu ka dhex curtay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Madaxweyne Xassan Sheikh, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari iyo Rw. Shirdoon, Khilaafkaasi oo ka dhashay qaabka leysugu Shandheeyay Golaha Wasiiradda ee la filaayo in dhawaan lagu dhawaaqo.
Liiska isku shaandheynta oo iminka loo gudbiyay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud, ayaa waxaa is hortaagay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ka gadaal markii uu Liiskaasi ku dhex arkay isdabamarin lagu sameeyay Beelo badan.
Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamanka, ayaa midba doonaya in shaqsiyaad ay wataan laga soo buuxiyo Liiska Xukuumadda Cusub ee dhawaan lagu dhawaaqayo, isagoona mid waliba xooga saarayo in Liiskaasi lagu dhex arko Mas’uuliyiin uu si gaar ah u wato.
Seddaxda Mas’uul, ayaa waxa ay ku loolamayaan inay soo bandhigaan Golo u badan Rabitaankooda si ay uga dhex muuqdaan golaha cusub, waxaana taasi ay keentay in tirada golaha oo la doonayey in markii hore laga dhigo 18 iminka la go’aamiyey 25.
Liiska oo ay wada aqriyeen Saddexda Mas’uul, ayaa waxaa lagu dhex arkay in kabadan 11-Wasiir oo ku jira Xarakadda Ikhwaan Muslimiin gaar ahaan Dam Jadiid, iyadoona ay wararku sheegayaan in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud uu 11-kaasi Wasiir usoo xulay Beel ahaan balse ay kasoo wada jeedaan Dam Jadiid fakir ahaan.
Dhanka kale, Raa’isul Wasaare Saacid ayaa isna doonaya in shaqsiyaad uu wato loo magacaabo Wasaaradaha maaliyadda, Gaashaandhigga iyo Gudaha, halka Jawaarina uu ku dheggan yahay Maaliyadda iyo Qorsheynta, Waxbarashada iyo iskaashiga caalamiga ah.
Khilaafka Saddexda Mas’uul, ayaa waxa uu dhaliyay in dib u dhac uu ku imaado ku dhawaaqida Xukuumadda Cusub, iyadoona ay socdaan kulamo aan dhamaad laheyn oo u dhexeeya Saddexda Mas’uul oo isku heysta Wasiiradda ugu muhiimsan.
Ugu dambeyntii, Liiska ay ku qoran yihiin Magacyada Xukuumadda Cusub, ayaa waxa uu iminka yaalla Xafiiska Madaxweyne Xassan Sheikh, waxaana la filayaa inuu kasoo tanaasulo tiro Wasiiro muhiim u ahaa Xassan Sheikh.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨