2: 471 Jeer.
Keydkii muhiimka ah ee kooxda Manchester City oo tuugo ay dhacday
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kooxda Manchester City ayaa sheegtay in xatooyo lagu sameeyay sistamka kooxdu ku shaqeyso lagana xaday agab muhiim u ah jaritaanka kooxda ee sanadaha soo socda .
Daily Mirror ayaa soo warisay in la jabsaday barnaamujka (Scout7 Performance Analysis System) ayna taas ka dhigan tahasy in lala baxay sirtii kooxda oo dhan .
Qorshaha suuqa ,xidigaha la fasixi doono iyo kuwa imaanaya ,sababihii Mancini loo eryay iyo wax lagu xushay Pelgarini, iyo qaabka ay kooxdu uga adkaan karto kooxaha ay la xafiltaman iyo wax yaabo kale ayaa ku jiray wax yaabaha la xaday .
Wararka qaar ayaa sheegaya in Skyblue ay aaminsan tahay in ay xatooyadaan sameeyeen kooxaha ay xafiiltamaan qaarkood.
Waxaa ay sameyn doonaan gudi gaar ah oo dabagala arintaan.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨