1: Friday, June 21, 2013 - 22:21:07
2: 479 Jeer.

Kagawa : Ma jirto koox ka dhisan England oo heysata Rooney iyo Van Persie oo kale

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

kagawa120613

Xidiga khadka dhexxe ee kooxda Manchester United , Shinji Kagawa ayaa sheegay in macalinka cusub ee Man United David Moyes uusan wax cabsi ah qabin in uu guuleysan doono.

“Waxaa uu ku bilaaban doonaa geesinimo maxaa yeelay waxaa uu heystaa ciyaartooyda ugu awooda badan Premier league ayuu Kagawa usheegay Asiantimes.

“Waxaan dooneynaa in aan caawino si uu ugu guuleysto howsha adag ee hortaala, hubanti ma jirto koox ka dhisan England oo heysata Rooney iyo Van Persie oo kale.

“Moyes wuxuu lee yahay nasiib maxaa yeelay waxaa uu ka soo tagay Everton waxaana uu noqday macalinka kooxda ugu guulaha badan Ingriiska.

“United malumin doonto hogaaminta England ayuu hadalkiisa ku daray Shinji.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed