1: Friday, May 31, 2013 - 08:10:23
2: 769 Jeer.

Jupp Heynckes Oo 99% La Sheegay Inuu Ku sii jeedo Kooxda hee?

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

22736700-1152

Macalinka kooxda Bayern Munich Jupp Heynckes ayaa lagu soo waramayaa in 99% boqolkiiba uu ku biiri doono kooxda Real Madrid, marka uu dhamaado xagaagan

Jupp Heynckes ayaa shaqadiisa kooxda Bayern waxa ay ku eg tahay bisha June, isagoona masraxa u baneyn doona macalinkii hore ee kooxda Barceona Pep Guardiola, waxaana la tilmaamay macalinkaan ka soo jeeda wadanka Germany Jupp Heynckes uu caga dhigan doono caasimada wadanka Spain ee Madrid si uu u hoggaamiyo kooxda Los Blancos

“Jupp Heynckes waxa uu ku biirayaa xagaaga soo socda kooxda Real Madrid 99%,” sida lagu soo qoray wargeyska Marca.com

Jupp Heynckes ayaa waxa uu horey u soo leyliyey kooxda Real Madrid 1998-kii markaas uu kooxda Real Madrid uu u gacan galiyey koobka European Cup, kadib markii ay kooxda Juventus 1-0 kaga adkaadeen, waxaana goolkaas u saxiixay kooxda Real ciyaaryahan Pedja Mijatovic

Macalinka kooxda Bayern  Jupp Heynckes ayaa maalinta Sabtida waxa uu Final-ka koobka German Cup uu la ciyaari doonaa kooxda Stuttgart, waxaana ciyaartaas kadib la tilmaamay in tababare Heynckes uu ka soo muuqan doono kursiga kooxda Real Madrid

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed