Waxaa la aqristay: 574 Jeer.
July oo noqon doonta kulanka Mucjisada, Lionel Messi iyo Ronaldinho oo markale Garoon isla galaya+sawiro
Waxaa Qoray: Mohamed Jowhar

Markale mucjisooyinkii Barcelona ee Lionel Messi iyo Ronaldinho ayaa garoon isla galaya kadib markii mudo sanada ah aysan iska garab ciyaarin.
Lionel Messi,Ronaldinho iyo xiddigo badan oo Barcelona ayaa lagu martiqaaday kulan sharafeed uu dhiganayo xiddigihii hore ee FC Porto,Barcelona iyo Chelsea Deco bisha July.
Jose Mourinho ayaa isagana looga yeeray kulankan waxaana uu tababare u noqon doonaa FC Porto oo uu la qaaday 2004-tii Champions league.
Barcelona iyana waxaa macalin u noqon doona Frank Rijkaard oo 2006-dii Champions league la qaaday.
Deco ayaa ku marti qaadaya kulankan xiddigihii 2004 ee FC Porto iyo kuwii Barcelona ee 2006-dii.
Eto’ ayaa isagana ka qeybgali doonta halka Xavi iyo Iniesta iyagana hadii aysan koobka Adduunka mashquulin ay imaankarayaan.



FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨