Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu soo afjarayo saxiixa Cesc Fabregas toddobaadkan .
Ninka reer Portugal ayaa u arko ciyaaryahanka Spain iyo Barcelona inuu yahay haatanba xiddig Chelsea ka tirsan maadaama leysku afgartay wax waliba.
Ka hor kulanka dhexmarayo Spain iyo Holland maalinta Jimcaha ayuu doonayaa inuu soo gaba gabeeyo heshiiska Cesc Fabregas.
Waliba kalsoonida Jose Mourinho intaas waa ay ka weyntahay oo waxaa uu sheegay inuu labada xiddig ee iskudalka ah Fabregas iyo Diego Costa ay xaqiijinayaan heshiiskooda isla maalintaas Jimca ah.
Fabregas iyo Costa ayey Chelsea ku soo qaadaneysaa 28million ilaa £32million.
Chelsea ayaa sanadkan ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Premier league waxaana ay afar dhibcood ka dambeysay Man City.