2: 1,407 Jeer.
Jose Mourinho oo la xiriiray Juan Mata iyo Fernando Torres balse David Luiz?
Waxaa Qoray: Hoos ka fiiri
Ugu dambeyntii tababare Jose Mourinho ayaa si toos ah ula xariiray labada xidig ee xulka Spain ka wada tirsan Juan Mata iyo Fernando Torres wuxuuna u sheegay inaysan isku mashquulinin halka ay xili cayaareedka nagu soo fool leh ka cayaari doonaan madaama ay qayb ka yihiin ragga uu lasoo shirtagi doono wuxuuna Jose labadan ku qanciyay inuusan marnaba saxaafada u sheegin inuu ka maarmo.
Sida laga soo xigtay wargeska Daily Mirror macalinka reer Portugal ayaa doonayo inuu Mata iyo Torres ka faa’iideesto waxqabadkooda madaama Chelsea ay u dagaali gali doonto xili cayaareedka cusub ku guuleysiga Premier League, FA Cup iyo UEFA Champions League.
Mourinho ayaa si gaar ah ula xariiray Juan Mata wuxuuna macalinkan ka dhaadhiciyay kubad sameeyahan laga daba dhacay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub si uu sanado badan usii joogo garoonka Stamford Bridge.
Inkastoo Mourinho uu la xariiray Torres iyo Mata una sheegay inuu u baahan yahay hadana macalinkan marnaba lama xariirin daafaca reer Brazil David Luiz taasi oo loo fahmi karo in xidigan uusan Chelsea kusoo laaban doonin sidoo kale Mourinho wuxuu damacsan yahay inuu Demba Ba London ka diro madaama weeraryahanka reer Senegal uu ka waayay kalsooni buuxdo macalinkiisa cusub.
Waxaa Qoray: Sakariye Cabdi
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨