Bartilmaameedka kooxda Manchester United Joao Miranda ayaa diyaar u ah inuu ka tago kooxda Atletico Madrid
Miranda ayaa daboolka ka qaaday inuu wadahadalo kula jiro kooxo ka dhisan Premier League iyo Primera Division-ka,iyadoo lagu iibsankaro £24.2milyan.
Daafaca wadanka Brazil ayaa waxaa horay lala xiriirinayay inuu ku biiro kooxda Manchester United.
29 jirkan ayaa jecel inuu soo gaba gabeeyo waayiisa garoonka Vicente Calderon,mar uu la hadlayay ESPN,waxaan helay dalabyo kala duwan,waxaa socdo wadahadalo,kooxaha waa Spain iyo England,wakiilkeyga waxaa uu haatan joogaa yurub si uu u xaliyo mustaqbalkeyga ayuu yiri.
Barcelona iyo Man United ayaa ah labada koox ee uu ku biiri karo wiilka reer Brazil.