Jennifer Lopez oo ka qeybgaleysa xaflada koobka Adduunka

¨
Posted on Jun 11 2014 - 11:40am by Mohamed Qadar Ibraahim Dahir
3

 

jine

Heesaga caanka ah ee Jennifer Lopez ayaa dib ugu laabatay go’aankii ay ku diiday iney ugu qeybgasho xaflada furitaanka koobka Adduunka ee Brazil maalinta beri.

Wararka sida ay sheegayaan 44 jirtan oo qeyb ka aheyd heeska laga qaadayo gudaha xaflada ayaa ka noqotay go’aankii soo baxay maalintii tallaadada ee ay ka cudur daaratay haatana ay diyaar u tahay iney ka qeybgasho.

Kala tagii iyada iyo saaxibkeeda mudada dheeraa ee choreographer Casper Smart ayaa ka dhigtay markii hore iney xamili weyso ka qeybgalka xaflada hasayeeshee haatan kolba madaxa waa u dagay.

Jennifer Lopez ayaa kamid noqon doonta beri marti sharafka fanaaniinta ee nuurin doona xaflada.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

About the Author
Author Image