2: 678 Jeer.
Javier Harnandez oo amaan ugu qubeeyay saaxibkiis David De Gea
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Weeraryahanka kooxda Manchester United ,Javier Harnandez ayaa sheegay in ninka ay isku kooxda yiuhiin ee David De Gea uu ku socdo wadadii uu ku noqon lahaa gool hayaha ugu fiican aduunka.
De Gea ayaa United kaga soo biiray Atletico Madrid waxana ay ku soo qaateen £17.8million, waxaana 22 jirka Spanish-ku uu Manchester United kula guuleystay Premier Legue xagagii dhamaday.
“Sida uu hada ku socdo hadii uu goolka ugu sii jiro United waxaa uu noqon doonaa gool hayaha ugu fican aduunka ayuu Chicharito usheegay The Sun.
“Bilawgii hore waxaa uu la kulmay wax yar oo culus laakiin markad eegto xagagii la soo dhaafay aad ayuu uhor mariyay xirfadiisa ,marba marka xigta waxaa uu soo bandhigaya awood dheeraaad ah runtii wuxuu umuuqdaa in uu ka yaabin doono aduunka ayuu hadalkiisa ku daray.
David De Gea ayaa xulka 21 jirada Spain ka caawiyay dhowan in ay qaadaann koobka qaramada yurub ee 21 jirada ,waxaana laga dhaliyay labo gool oo kaliya final-kii.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨