HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Tuesday, April 29, 2014 - 08:24:38
Waxaa la aqristay: 86 Jeer.

Jamie Carragher”Wali Liverpool fursad wey u heysataa Premier league

Waxaa Qoray:

 

jamie-carragher-liverpool

Haleyga Liverpool Jamie Carragher ayaa sheegay in kooxdiisii hore in wali fursad ay u heysato ku guuleysiga Premier leaue xili ciyaareedkan.

Kooxda Brendan Rodgers ayaa haatan fadhisa fooqa sare ee Premier league,inkastoo guuldaradii Chelsea ee 2-0 xaajada ay xumeysay,Man City iyana iskeentay.

Guul ay gaarto seddexda kulan ee soo aadan Man City ayaa ka dhigaya iney noqoto horyaalka England sanadka 2013-2014,laakiin Carragher waxaa uu wali rumeysan yahay in Reds ay wali ugaarsan karto koobkoodii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 1990-kii.

Isagoo la hadlayay Sky Sports News waxaa uu yiri”Liverpool waxaa ay toddobaadka dambe ciyaareysaa kulan fudud oo waxaa ay la leedahay Crystal Palace,City waxaa ay u safreysaa Everton waxaa ay soo gali karaan bar baro ama waa laga badinayaa.

“Liverpool wali fursad ayey heysataa hadii ay badiso labada kulan ee u dambeeya,koobkan wali cidna xagooda ma jiro ayuu hadalkiisa ku daray.

Guuldaradii ka soo gaartay Liverpool kooxda Chelsea ayaa soo afjartay 11 kulan guul oo xiriir ah.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨