2: 2,229 Jeer.
Isma laheyn Fannaan Soomaaliyeed ayaa ku dhiiranaaya Aflagaadeynta Qaranka iyo Shacbiga (Waa kuma Fannaankaasi).
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Waxaa muddooyinkaani Masraxa Fanka kusoo biiraayay Fannaaniin isugu jira lab iyo dhidig oo midba midka kale isku dayaayo inuu ka magac Sareeyo.
Waxaa maantana Masraxa Fanka kusoo biiray Al-fannaan Mursal Muuse iyo Xaaskiisa Khadra Sinimow oo wada Fannaaniin ah, kuwaasoo Ehel u noqday inay magac ku raadiyaan Aflagaadada Qaranka Somalia iyo Bulshadda kuwooda Xumaanta iyo Aflagaadada laga dhowray.
Mursal Muuse waa Fannaan da’yar waxa uuna Fanka kusoo biiray Sanad ka hor balse waxa uu isku muuqaal ekeysiiyay Fannaaniinta ugu magaca sareeya Dalkeena Somalia, waxa uuna u dhabagalay isaga oo Hurinaaya Khilaafaadka ka dhex taagan Dowladda Somalia iyo Somaliland Heeso lagu aflagaadeynaayo Qaranka iyo Shacbiga suuban, taasoo uu hal ku dhigeedu ahaa (MIYEEY MIIR BEEL ASQOOBEEN MURAALA DILAAC MAQUUSTEEN).
In badan waxaa Maskaxda Bulshadda kusoo dhici jirtay Hal ku dhig ay adeegsadaan Fannaaniinta oo ah (Fannaanku waa nadiif mana ah Qabyaaliiste waana ruux ka madaxbanaan Siyaasadda), Nasiib daro waxaa Xilligaani la joogo soo baxay Fannaaniin Shacbiyad ku raadinaaya (Xanta + Aflagaadad), waxa ayna laadeen Nidaamka u degsanaa Guud ahaan Fanka gaar ahaan kan Soomaalida taasoo dhalin karta in Fannaaniinta Afka kala furtaan oo mid waliba uu Caayo Reer hebel ama Siyaasiyiinta Siyaasadda isku heysat.
Waxaa jira ku dhawaan 60-Fannaaniin oo dhawaan kusoo biiray Fanka hawadana isu mariya Aflagaado iyo Canaan balse (Mursal Muuse + Aafadiisa) oo dhawaan kusoo biiray Fanka waxa ay Fannaaniinta kaga duwan yihiin Midab takoorka iyo kala fogeynta Shucuubta dhankey doonaanba haka soo jeedeene.
Waxaa Su’aal ah Fannaanku ma Shacbiga ayuu mashquuliya ama Siyaasiyiinta ? Ma reer hebel ayuu Ammaana ama Dalka iyo dadka?
Haddaba waa Fannaankii ugu horeeyay oo dhagaha bulshada kusoo dhaca Aflagaadooyinka uu u geysanaayo Qaran jira ama Bulsho.
Dhibaatada uu kala kulmi karo Heestaasi Afladaadada waxaa kamid ah:-
1- Shacbiyad xumi
2- Khibrad la’aan
3- Caadifad iyo Qabyaallad
4- In heesihiisa ay dhageystaan Qoomka uu kasoo jeedo (Reer hebel)
5- In Fannaaniinta ay ka fogaadan oo mid waliba ka cararo in Fadeexo ay ka soo gaarto la socodkiisa
6- Waxaa laga yaaba in Heestaasi ay ka hor istaagto Bandhig Faneedyada loo qaban doono Fannaaniinta.
7- In loo aqoonsado inuu yahay Fannaan u gaar ah Qabiilka uu kasoo jeedo.
Fannaanka da’da yar Mursal Muuse Markii uu heesta Caayda soo saaray waxaa barta facebook buux dhaafiyay caay loogu jawaabay isaga iyo islaantiisa Khadra Sinimow Dadka Fariimaha qoraya waxay dhambaaladooda ku sheegeen in Mursal Gabalkiisu dhacay maadama uu yahay nin u xusula duubtay Siyaasada ka jira dalka.
TALLO KU SOCTA WALAALKEY FANNAANKA AH:-
Inta aan arkeynay Fannaaniinta waxay ka fogaan jireen Adeegsiga Earayada wax u dhimi kara Sumcada ay Bulshadda ku dhex leeyihiin, Fannaaniintu waxaa lagu tilmaamaa dad ka madax-bannaan Siyaasadda iyo Qabiilka, wax waliba eek u saleysan Siyaasada iyo Qabiilka ku qarso calooshaada oo banaanka ha usoo saarin, Bulshaduna kula dhaqan Caqligaaga, Siyaasaduna si hoose u qarso.
Ugu dambeyntii, Waxaa sharaf mudan Abwaanada curiyay Heesaha lagu difaaco Qaranka Somalia, waxaana lagu jiraa Xilligii Fannaaniinta iyo Abwaanada uga qeyb-qaadan lahaayeen sidii lagu taageeri lahaa Nabadda iyo Xasiloonida ka dhalatay Gayiga Somalia, isla markaana u muujin lahaayeen Kaalinta kaga aadan Nabadda.
W/Q.Weriye:- Anwar Bakhiit
Email:-
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨