1: Friday, July 12, 2013 - 20:22:41
2: 1,577 Jeer.

Indha Cadde oo ku hanjabay inay Awood kusoo furan doonaan Xassan Dahir Aweys.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

hhhh

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ahaa Hoggaamiyo Kooxeedyadii ka amrin jiray Magaalladda Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay Arrinta Xassan Dahir Aweys ee iminka ku xiran Xiryaha Sirdoon Somalia.

Yusuf Indha Cadde, ayaa waxa uu sheegay in xiriinka Xassan Dahir uu yahay mid aan suura gal sii ahaan doonin xilligaani wixii ka badan isagoona sheegay in aysan jirin cid haysan karto Xassan Dahir  islamarkaana wax walba ay is bedali doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in ay wacan tahay xaaladda Xasan Daahir meel amaan ahna uu joogo, laakiinse dowladda ay u muuqato mid kasii baxaysa balankii labaad ee beesha Xasan Daahir ay la gashay.

Indha cadde oo Arrinkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Cid haysan Karto Xasan Daahir ma jirto, waxaan sugaynaa oo kaliya go’aanka dowladda Somaaliya waayo anaga balan ayaa nalaga qaaday, wax kale ma jiraan” Indha Cade ayaa sidaasi yiri.

Waxaa kaloo uu sheegay Yuusuf Indha Cadde in Beesha Habar gidir kaliya ay sugayso go’aanka ugu dambeeya ee kasoo baxa dowladda iyo halka balanqaadka uu ku dambeeyo.

Ugu dambeyntii, haddalka Yusuf Indha cadde ayaa u muuqda mid hanjabaad ah oo ku wajaha Xukuumadda Somalia, wallow Xilligaani Dowladda aysan u babacdhigeynin awoodo kaga imaada dhanka Beelaha.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed