1: Friday, May 24, 2013 - 17:35:48
2: 185 Jeer.

IGAD oo Walaac ka muujisay Xaaladdaha ka taagan Kismaayo.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

 

KKKKKK

Wararka Magaalladda Addis Ababa ee Cariga Dalka Ethiopia naga soo gaaraya ayaa sheegaya in kulan horudhac ah oo ay wada qaateen Wasiirada arrimaha dibadda, ayaa waxa ay walaac ka muujiyey xaaaladda Cusub ay gashay Magaallada Kismaayo,gaar ahaan Madaxweynayaasha sii kordhaaya.

Saraakiisha sar sare ee IGAD, oo kulamo horudhac ah wada qaatay, ayaa waxa ay Xukuumadda Somalia ugu baaqeen inay dajiso Xaaladaha ka taagan Magaallada Kismaayo, iyagoona sheegay in xiisadaha ka jira magaalada ay Qatar galin karaan nabadda iyo daganaanshaha.

Dhanka kale, Saraakiisha ayaa waxa ay Xukuumadda Somalia, ugu baaqeen inay u diyaar garowdo Shir ay isugu imaanayaan Maamulada Khilaafsan Dastuurka Somalia, iyagoona sheegay in Shirkaasi ay hormuud u noqon doonto Xukuumadda Somalia.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa carabaabay in shirkaasi uu ahaan doono mid dib u heshiisiin oo la isugu keenayo kooxaha Madaxweyne Xassan kasoo horjeeda ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka, Puntland iyadoo la dajinayo qorshe nabadeed oo ku aadan dhismaha maamul ku meel gaar ah iyo qaabeynta maamul goboleed rasmi ah, dowladaha IGADna ay kaalin taageero ah ka cayarayaan dhismaha maamulada si waafaqsan dastuurka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, in qodobada ay ka doodeen wasiirada arrimaha dibedda IGAD ayaa la filaaya in la horgeyn doono madaxweynayaasha IGAD oo caawa kulan yeelaan doono Magaallada Addis Ababa.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed