1: Tuesday, June 11, 2013 - 14:28:22
2: 318 Jeer.

Iago Aspas oo soo gaaray Liverpool si uu caafimaadka umaro

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

aspascle-0-1A41ADE2000005DC-385_306x423
Liverpool ayaa sameysay saxiixii labaad jiilalkaan waxaana goordhow caafimaadka umari doona Iago Aspas oo ka yimid kooxda Celta Vigo.

Laacibkaan ayaa ku yimid kooxda Merseyside-ka aduun dhan £7.7milion sida ay daabacday jariirada The Guardian ee Enghland ka soo baxda.

Laacibkaan ayaa shalay oo Isniin aheyd usoo socdaalay magaalada Liverpool markii uu kansalay dalxiskii uu ku jogay Caribbean-ka ,kaliya si uu unoqdo ciyaariyahan ka tirsan kooxda liverpool .

Ku soo dhowaw magalada liverpool iyo nolol cusub ayaa lagu qoray majalada Liverpool Echo markii uu laacibkan gaaray magalada Liverpool.

25 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa kooxdiisa Celta Vigo udhaliyay 12 gool xagagii la soo dhaafay ,waxaana uu caafimadka maraya maanta galinka dambe.

Waxaa uu noqday saxiixii labaad ee uu sameeyo tababare Bren Rodgers jiilalkan kadib Kolo Toure oo ay ku qaateen beeca xorta ah,

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed