2: 574 Jeer.
Hub iyo Gadiid Dagaal oo laga dajiyay Dekada Kismaayo iyo Cabsi laga qabo inuu dagaal qarxo +SAWIRO
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Hogaamiyaha Maamulka Kmg Jubba ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Hub iyo Gaadiid Dagaal oo laga soo dejiyay Dekada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, hubkan iyo Gaadiidkan Dagaal ayaa waxaa siday Markab ku soo xirtay marsada magaalo xeebeedka Kismaayo waxaana sidoo kale Hogaamiye Axmed Madoobe la siiyay Tuute iyo Agab Ciidan oo ay ku jiraan Koofiyadaha iyo jaakadaha aan rasaasto karin.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa magaalada la xadiday iyadoona laga cabsi qabo kadib marka ay gacata loo galsho ciidamada maamulka Jubba waxa ka danbayn doonaa,iyadoona la hadal hayo inay dhici karto in weerar lagu qaadi saldhiga Coranel Barre Hiiraale uu ku leeyahay Duleedka Magaalada Kismaayo.
Waxaana ilaa hada la shaacin cida ugu deeqday Hubkan iyo Gaadiidkan Dagaal ee maanta loo gacan geliyay maamulka Kmg ee Jubba, iyadoona hadana dhanka kale warar ay sheegayaan inay hubkaan uu ka yimid Wadanka Itoobiya .
Hubkan loo gacan galiyay Maamulka Jubba ayaa imika xili cabasho iyo sidoo kale xarig joogta ah lagu hayo dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo,waxana haatan laga dhursagaa qaabka ay u isticmaali doono maamulka Jubba Hubkan iyo Saanada ciidan ee loo gacan galiyay ,Iyadoona ay xusid mudan tahay in uu ka baxay Axmed Madoobe Heshiis uu Dowladda Soomaaliya kula soo galay Magaalada Adds Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨