2: 1,329 Jeer.
Hooyadii dhashay Wiilkii Soomaaliga ee ku dhuuntay Lugta Diyaarada oo loogu hanjabay in la dili doono.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Ubax Mohamed Abdulle oo ah Hooyadda dhashay Wiilkii Yaraa ee bishii April ee la soo dhaafay ka badbaday Diyaaradii u kala gooshaysay Gobalka Kaliforniya iyo Jesiiradda Hawaay ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay inay isaga hayaantay Xeraddii Qaxootiga ee Sheed Dheer ee Dalka Ethiopia oo ay ku noolayd tobankii sanno ee la soo dhaafay.
Ubax Mohamed Abdulle oo u waramaysay Weriye ka tirsan Wakaalladda Wararka ee Associated Press (AP) ayaa tilmaamtay inay hesho Telefoono badan oo loogu hanjabayo in la dili doono, taasi oo ku kalliftay inay isaga cararto Xeraddii Qaxootiga ee ay ku noolayd.
Abdirizak Abas Omar oo ah Sarkaalka dhinaca Sharciga ee Xeradda Qaxootiga ee Sheed-dheer ayaa u sheegay Wakaalladda AP inay Ubax Mohamed Abdulle tusisay Wicitaanno aysan aqoonin, oo ay sheegtay in dadkii soo wacay ugu hanjabeen inay dili doonaan.
“Waxay xeradda ka fogaatay 600-mitir, kadib, markii ay aragtay inaysan ku nabad geli doonin guryaha xeradda ku yaallo ee cooshadaha ah” ayuu yiri Sarkaalkaasi oo intaasi ku daray inay xaalladda Ubax Mohamed Abdulle haatan tahay mid aan degganayn.
Haweeneydaas ayaa iyadana u sheegtay Wakaalladda Wararka ee AP in loogu hanjabay in la dili doono, isla markaana laga dhabayn doono geeridii uu ninkeedii horey ugu sheegay inay xaaskiisa geeriyootay.
“Ma sugayo inay geerida halkan iigu timaado, waayo guryaha Xeradda ammaan fiican ma laha, waxaan ka baqanayaa in la igu soo weeraro” ayey Haweeneydaasi ka catowday.
Waxay sheegtay inay tuhun ka qabto dadka Telefoonka ugu hanjabayo yihiin dad ehel la ah Ninkeeda oo haatan ku nool dalka Maraykanka.
Dhinaca kale, Abdullahi Yusuf oo ah Aabaha ay Ubax Mihamed Abdulle carruurta u dhashay oo Taksiile ka ah magaalladda Santa Kalara ee Gobalka Kaliforniya ayaa ka gaabsaday inuu eedeymahaasi ka jawaabo mar ay Wakaalladda Wararka ee AP la xiriirtay Haweeneyda Afhayeenka u ah qoyskiisa oo lagu magacaabo Zahro Billoo.
Xigasho AP
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨