2: 744 Jeer.
Haweeney qalqal galisay Ammaanka Obama Xili uu Khudbad Jeedinaayay kuna tilmaamtay inuu yahay Dilaa Cadow ah.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Haweenay dhalashadeedu Maraykan tahay oo u Ololaysa xuquuqda Muslimiinta ama difaacda muslimiinta, ayaa Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ka Khalkhalisay Khudbad uu kaga hadlayay Ammaanka Qaranka, waxaanay haweenaydan oo Careysani Madaxweyne Obama ugu yeeray dhawr jeer inuu yahay dilaa.
Gabadhan oo aad shucuurteedu u kacsan tahay ayaa mar qura isku daba dhigtay xad gudubyo ay sheegtay in Maraykanku kula kacay dad Muslimiin ah, oo meel kasta oo daafaha dunida ah ay ku dilayaan, qaar kalana si cadaalad daro ah ay ugu xiranayaan Xabsiga Guantanamo Bay, waxay ku guulaysatay in Khudbada ay ka kala jarto,
waxaanay tan iyo intii madasha laga saarayay tirinaysay dad badan oo Maraykanku laayay, iyadoo mar walba dilaa ku tilmaamaysay Madaxweyne Obama daawasho wacan.
W/Q. Faysal Maxamed Xasan
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨