1: Friday, July 19, 2013 - 10:20:46
2: 629 Jeer.

Haweeney Boorso ku wadatay 13-Bisado oo gacanta lagu dhigay.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

jjjjj

Ciiddamadda Ammaanka Magaalladda Qahira ee Dalka Masar, ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Haweeney u dhalatay Dalka Ugandha oo Boorsada garabka ku sidatay 13-Bisado oo yar yar ah, kadib markii ay la soo fuushay gaari rakaab ah oo dhagaha dadka kusoo dhacay dhawaqa bisadaha.

Shacabkii saarnaa gaariga ay Haweneyda saarneyd ayaa durbadiiba joojiyay gaariga waxa ayna isla markiiba u yeeren Bolis iyaga oo qabtay Haweeneydii Bisadaha wadatay.

Haweneyda oo lagu magacaabo Ashara ayaa waxaa laga reebay Gaarigii, waxaana loo dhaadhiciyay Saldhig ka agdhawaa iyadoona baaritaan kadib la xaqiijiyay in Bisadahaasi yar yar ay kasoo xaday Reer ay u shaqeyneysay.

Ciiddamadda Boliska, ayaa waxa ay Haweeneydaasi ka reeben Bisadihii yar yaraa waxa ayna ku xakumeen xarig haddii ay 24-Saac gudaheeda ugu yeeri weysay Reerkeeda.

Dhaqanka ay ku kacday Haweeneyda u dhalatay dalkaasi Africaanka ah, ayaa waxa uu la yaab ku noqday Boqolaalkii dadweyne ee saarnaa gaariga iyo kuwii isku soo xoomay gaariga, hayeeshee Nasiib daro Haweeneyda ayaa waxaa la sheegayaa inay Xabsi ku muteysatay xadida Bisadahaasi kadib markii ay ku guuldareysatay inay keeni weysay reerkeeda.

Ugu dambeyntii, Haweeneyda, ayaa waxa ay qiratay in Bisadahaasi ay ka damacsaneyd inay qasho balse ay ku fashilantay.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed