2: 426 Jeer.
Halkuu ku danbeeyay Edward Snowden oo ah Shaqsigii bixiyey sirta Hay’ada nabad sugida Maraykanka.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Ecuador, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Dambiile Edward Snowden, uu Magangalo Siyaasadeed weydiistay Dowladda Russia, waxaana Qoraalka lagu sheegay in Dowladda ay jawaab ka bixisay.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Edward Snowden uu Habeenimadii Axada isaga baxay Magaalada Hong Kong ee dalka China oo uu ku sugnaa todobaadyadii lasoo dhaafay, wuxuuna hada ku sugan yahay Airporka Magaalada Moscow ee Caasimada dalka Ruushka, halkaasi oo ay uga hortageen diblumsaasiyiin ka socoda dowlada Ecuador.
Magangalyo raadinta Mr.Edward Snowden ayaa waxa ay imaaneysaa Xilli Dowladda Maraykanka gaar ahaan Hay’adda Ammaanka soo saaray amar ah in lasoo xiro sarkaalkaasi horey ugu shaqeyn jiray Hay’ada Nabadsugida Maraykanka NSA, kadib markii uu faafiyey barnaamijka Qarsoodiga ah oo ay Hay’adaha Sirdoonka Maraykanka si qarsoodi ah u aruurshaan xogta shacabka adeegsada internetka iyo telefonada.
Ugu dambeyntii, Edward Snowden ayaa waxa uu iminka Magangalo Siyaasadeed uu Asbuuyo raadinaayay ku helay si fudud, waxaana weli socda Baaritaano ay la daba taagan yihiin Sirdoonka Maraykanka.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨