1: Thursday, July 4, 2013 - 12:45:23
2: 1,079 Jeer.

Haddal Sir ah oo mar kale laga helay Col. Barre Hiraale oo walwal galshay Xukuumadda Somalia. (Waa maxay Sirtaasi).

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

hhhh

Iyadoo dhawaan Magaalladda Kismaayo laga ceyriyay Col. Barre Hiiraale iyo Ciiddamo daacad u ahaa, ayaa waxaa mar qura haddal naxdin leh ka soo yeeray Col. BArre Hiiraale oo ka nixiyay Xukuumadda Somalia.

Col. Barre Hiiraale, oo iminka ku sugan Duleedka Magaalladda Kismaayo, ayaa waxa uu sheegay inuu isku aruursaday ku dhawaad 60-Tikniko oo uu sheegay inuu kula dagaalami doono Ciiddamadda Kenya iyo Raaskambooni.

Col. Barre Hiraale waxa uu sheegay in isaga iyo Ciiddamadiisu ay ku howlan yihiin Weerar ay dib kula waraagayaan Magaalladda Kismaayo, iyadoona iminka Magaalladda laga dareemaayo Saan-saan Dagaal oo ay wadaan Ciiddamadda Raaskambooni oo kaashanaaya kuwa Kenya.

Col. Barre Hiiraale, ayaa sheegay inuu garab ka heysto Ciiddamadda Ahlusunna Wal-jameeca iyo kuwa Gedo ee Dowladda Somalia, waxa uuna wacad ku maray in Kismaayo ay u hari doonto isaga iyo Ciiddamadda Dowladda.

Dhanka kale, Col. Barre Hiiraale, Shabaabka ayuu ku tilmaamay inay ka wada siman yihiin hadafka Kismaayo looga xureynaayo Ciiddamadda Raaskambooni iyo kuwa Kenya oo uu Barre ku sheegay inay Kismaayo ka yihiin Ajaanib.

Haddalka ka soo yeeray Col. Barre Hiiraale, ayaa waxa uu Walwal galshay Xukuumadda Somalia, oo iyadu Muddooyinkaani lagu eedeynaayay inay Dagaalka Kismaayo ku garabsaneyso Alshabaab iyo Beelo dega Kismaayo, taasoo noqoneys mid Dowladda sumcadeeda hoos u dhegeyso.

Arrinta uu Barre Hiiraale ka dhawaajiyay eek u aadan in Dagaalka Kismaayo ay ku kaashanayaan Alshabaab, ayaa waxaa aad uga carooday Xukuumadda Somalia, iyadoona iminka garanla qaab ay Jawaab uga bixiso hadalkaasi

Ugu dambeyntii, Hoggaamiyaha Maleeshiyadda Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa ku eedeyn jiray in Ciiddamadda Dowladda iyo Col. Barre hiiraale xiriir la leeyihiin Xarakada alshabaab oo dhibaatooyinka ka dhacay Magaalada ay iyaga Mas’uul ka yahiin

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed