Waxaa la daabacay: Thursday, May 29, 2014 - 16:30:15
Waxaa la aqristay: 986 Jeer.

Hadal wadna-xanuun iyo figtaal ku riday Alshabaab oo ka soo yeeray Madaxweynaha Dalka Mareykanka.

Waxaa Qoray:

Barack obama madaxweynaha dalka mareykanka oo kahadlayey sida dowladiisu ay ubadaleeeso habka siyaasada arimaha dibada ayaa soo hadal qaaday  in dowlada dalka mareykanka ay kubixindoonto ladagaalanka argagixisada lacag gaareesa  3.6 billion oo Euro.

Lacagta uu madaxweynuhu sheegay waxaa lagu kala bixindoonaa qorshooyin dhowr ah oo ay kujiraan tababarada ciidamada dalka yemen kuwaa oo dagaal kula jira Alqaacida iyo caawinta ciidamada somalida kuwaa oo iyaga wada dagaal kadhan ah Ururka alshabab ee xiriirka laleh alqaacida iyo caawinta howlgalada dalka Mali.

Madaxweyne Obamaha ayaa sheegay in diyaaradaha Drones-ka ah ee Mareykanka ay wadamo ay kamitahay Somalia kudileen saraakiil sar sare oo katirsan Alqaacidada Somalia taasina ay Guul u Tahay Dowladiisa .

Madaxweynaha mareykanka ayaa sheegay in dowladiisu ay soo afjari doonto Dagaalada ay kawado wadamada Afghanistan ay kamitahay taas badalkeedana dhaqalaha wadamadaasi uga baxa ay uweecin doonto dhanka wadamada dagaalda ay kasocdaan sida Somalia Afghanistan ,yemen Nigeria,mali,Iraq, libya.

Isha KNN

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨