2: 513 Jeer.
Habargidir ha raalli ahaato, Xasan Daahir-na halla hor geeyo cadaaladda!!
Waxaa Qoray: jabra
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka jiray qaaquul siyaasadeed oo dabada kula jira arrimo qabiil, waxaana leysla dhex marayay warar is khilaafsan oo ku saabsan aayaha hoggaamiyaha Xisbul Islaamkii burburay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhowaan ka soo baxsaday xarakadii uu ka tirsanaa ee Al-Shabaab, iyadoo ay muuqaneyso in koox aad u yar oo reerihiisa ka tirsan ay isku dayeyso sidii wadaadkaasi ay uga baajin lahaayeen in la hor keeno sharciga.
Nasiib darro 23-sano kaddib in qof la rumeysan yahay inuu dembiyo Qaran ka galay diinta, dalka iyo dadkaba in qabiil awgii la isku dayo in la difaaco, waxaana wax lala yaabo ah in dad sheeganaya Xildhibaano Qaran iyo odayaal loo qaateen ah inay si xishood darro ah isla soo maqiiqaan ereyo ay ka mid yihiin: “Xasan Daahir waa Owliyo, waa oday Soomaaliyeed, waa mujaahid mudan in la cafiyo, waa in loola dhaqmaa si sharaf leh, waa oday Culimo ah oo istaahila in loo sameeyo maqaam sare, waa in laga qaadaa xarunta nabad sugidda waana in la dejiyaa madaxtooyada ama degaan u dhigma, waa in dalka Qadar loo duuliyaa oo megen gelyo laga siiyaa” iyo ereyo kale, iyadoo sifahaasi fiican ee Sheekha loo yeelayana ay yihiin kuwo looga gol leeyahay sidii dembiyadii uu galay looga badbaadin lahaa.
Waa xaqiiqo in qadiyadda wadaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku yeelatay saameynteeda, waxaana mar walba oo aad u dhowaato idaacadaha afka daloola ee qabyaaladda laga urinayo aad ka maqleysaa dad hal dhinac wax ka arkaya, kuwaasi oo ku doodaya in Sheekh Xasan loo gefay, odayaashii keenayna lagu ballan furay, ha yeeshee waxaa isweydiin mudan dadka doodaasi qaba maxay mar uun uga hadli la’yihiin dhibaatooyinkii uu oday Xasan ka geystay dalka Soomaaliya, gaar ahaan wixii ka dambeeyay horaantii 2009-kii, xilligaasi oo uu hoggaamiyuhu ka yimid magaalada Asmara ee dalka Ereteriya oo uu qaxooti ku ahaa.
U ololeeyayaasha Xasan Daahir ee qabiilka isku baheystay hadafkooduna uu yahay sidii ay Xasan ugu hagoogan lahaayeen ayaa weli xusul duub ballaaran ugu jira hannaankii ay Dowladda Federaalka uga gedi lahaayeen damacooda qabiileed ee ku saleysan in sharciga la laalo, Xasanna la cafiyo.
Rabitaankaan waallida ku dhisan haddii uu rumoobo ayaa waxay ka dhigan tahay bilowgii burburka Dowladda Federaalka iyo gabal dhicii qaranimada Soomaaliya, waxaana iska cad haddii beesha Habargidir lagu raalli geliyo in qabiil awgii loo sii daayo Xasan Daahir inay dhexda ka bixi doonto kala dambeynta iyo ilaalinta sharciga Soomaaliya ee isagu ah mid qof walba ka sareeya.
Xusuuso dagaaladii faraha looga gubtay, xasuuqii dhacay, barakicintii baahsaneyd, gaaleysiinta ummadda Soomaaliyeed, banneysashada dhiiga shacabka aan waxba galabsan, ka been sheegidda diinta Islaamka iyo qalad walba oo dalka Soomaaliya ka dhacay afartii sano ee la soo dhaafay ayaa Sheekh Xasan waxa uu ka ahaa horsed, waxaana hubanti ah balaayadaasi dhacday inuu Sheekhu ka bilaabay agagaarka saldhigga Degmada Wardhiigley oo uu odaygu ku noolaa, waxaana xilligaasi uu fursad siiyay Shabaabkii Soomaaliya oo wakhtigaasi baqdin ka qabay xoogagii Maxkamadaha Islaamiga ah oo badan ahaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka gacanta ku hayay.
Mas’uuliyiin aad u farabadan oo Soomaaliyeed, isuguna jira Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimeyaal, Safiiro, Aqoonyahano, Culumaa’udiin, Haween iyo dhallinyaro ayaa laga soo xigtay haddii Xasan Daahir la cafiyo in iyana ay u howlgeli doonaan sidii ay hoggaamiyaha xarakada Al-Shabaab Axmed Cabdi Ow Maxamuud Godane iyo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo kuwa kale ee la midka ah loogu soo dhoweyn lahaa Ubax, caleemo qoyan iyo roog cas loo fidiyo, isla markaana loogu sameyn lahaa hab maamuus heer Qaran ah iyagoo taasi ku sababeynaya inay uga jawaabayaan sida ay beesha Habargidir u difaaceyso Xasan Daahir oo ummadda Soomaaliyeed ay rumeysan tahay inuu yahay dembiile dagaal oo dad badan laayay.
Dabcan…waa fool xumo iyo wax laga naxo in qabiil dartiis wax walba la isaga indha tiro, waxaana murugo iyo ciil ah in hoggaamiyihii dhibka badan geystay in loo ololeeyo sidii loogu abaal marin lahaa xumaantii uu ku kacay, iyadoo la isku dayayo in laga badbaadiyo ciqaab kasta oo uu ka helo sharciga hortiisa.
Beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah isha ugu haya sida laga yeelayo xaalka Xasan Daahir, waxaana laga dhur sugayaa qaabka ay dowladda Federaalka u maareyso arrintaas, waxaana hubanti ah haddii ay dowladdu ku guul darreysato in Xasan Daahir cadaaladda la hor keeno wixii uu ka helana lagu qaado inay iyadu ku fashilmi doonto, iyadoo weyn doonta taageerada beesha caalamka iyo kalsoonida shacbiga Soomaaliyeed.
Jiljileec gaar ah oo loo sameynayo Sheekh Xasan ayaa la xaqiijiyay inuu Dowladda Soomaaliya ka muuqdo, waxaana xog hoose oo la helay ay sheegeysaa in hoggaamiyahaasi laga saaray maxbuusnimadii lana siiyay hoy ay dowladdu ugu talo gashay, iyadoo arrimahaasina la sheegay inay yihiin kuwo lagu qancinayo eheladii keentay ee tabaneysay in been lagu howl geliyay, waxaana arrintaasi ka sii naxdin badan wararka huuhaa’da ah ee dadka lagu jaha wareerinayo sida in Xasan Daahir xisaabtan la’aan ay dowladdu iska sii deyneyso si uu fursad ugu helo inuu dibadda ugu ambabaxo, iyadoo isku daygaasina ay horsed ka yihiin Dowladaha Turkiga iyo Qadar, balse wararkan kala duwan ee ka soo baxaya arrimahaasi ayaan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan, hase yeeshee waxaa labana isku diidaneyn haddii Xasan xornimo la siiyo inuu dib u bilaabi doono dagaal oogenimadiisii uu caanka ku ahaa, taasi oo burbur hore leh u horseedi doonta dalka Soomaaliya.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ee iyadu dalka hoggaankiisa heysa ayaa laga dhur sugayaa wixii sharcigu qabo inay wadanka ku maamusho, sidaasi daraadeed waxaa haboon in dowladdu ahaato mid dadkeeda u cadaalad fasha, ruux kastaana wixii uu geystay xumaan iyo simaanba la mariyo, waxaana ila quman bulshada Soomaaliyeedna aan filayaa inay ila wadaagto in Dowladda looga baahan yahay inay ka digtoonaato dhagarta beesha Habargidir ee ku aadan galaangalka ay ugu jirto beeshaasi sidii sharciga loogu tuman lahaa si Xasan Daahir uu u helo cafis, waxaana yaqiinsanahay in Dowladdu sharaf, kalsooni iyo tixgelinba ay ku heli doonto hadba sida ay Xasan cadaaladda u hor keento wixii uu kala kulmana faraqa loogu shubo.
Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail:
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨