2: 253 Jeer.
Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka Ciidan badan Wasiirada iyo Xildhibaanada.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Shacabka iyo Siyaasiyiinta Reer Muqdisho, ayaa waxa ay mudooyinkaani si aad ula yaaban yihiin dhaqanada Cusub ee ka socda Magaalada Muqdisho, kadib markii Mas’uuliyiinta DFS ee looga bartay adeegsiga Ciidamo badan ay soo food-saartay Ciidan yari.
Wasiirada iyo Xildhibaanada DSF ayaa iyagu iminka la yaaban Dhaqamada Guddoomiyayaasha Degmooyinka oo iyagu mid 10 Askari iyo kasii badan wata, halka Wasiirada iyo Xildhibaanada ay ka wataan 4 ilaa 5 Istaaf oo ka kala kooban Militeri iyo Bolis.
Sidoo kale, Guddoomiyayaasha ayaa iyagu intooda badan wada wata Gaadiidka loo yaqaan ‘’Qooqanta’’ ee gadaal ciidanka laga saaro, halka Mas’uuliyiinta kale Dowlada ay ku soconayaan Gaadiidka yar yar ee raaxada, taasi oo ka turjumeyso qalabeynta loo sameeyay Guddoomiyayaasha Cusub oo gabi ahaanba aad u yar yar marka la eego da’dooda.
Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa iyagu aad ula yaaban qaabka looga badiyay kubada, waxaana inta badan arkeysaa wasiiro laba qoray wata iyo Gudoomiye Degmo oo wata ugu yaraan 3 dabajeex iyo 7 AK.
Dhanka kale, waxaa Siyaasada Muqdisho laga dareemayaa is bedel dhan waliba ah, iyadoona la arkayo Ciidamo si aan caadi aheyn u qalabeysan oo inta badan wadooyinka gaaf wareegayo iyo waliba Xildhibaano qaar oo iyagu gaari la’aan iyo ciidan la’aan dhex soconaayo Meelo kamid ah Magaaladda, taaso muujineyso rajooyinka ay lasoo laabaneyso Magaalo madaxdii 23-sanno Ehelka u aheyd bur-bur.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨