2: 259 Jeer.
Gudoomiyaha Gobalka Gedo oo si jees-jees ah uga hadlay Golaha uu Axmed Madoobe dhawaan soo dhisay.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
War goor dhow uu nasoo gaarsiiyay Gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa waxa uu ku sheegay in wax laga yaxyaxo ay tahay qaabka uu Axmed Madoobe usoo dhisay Golaha Wasiirada Maamulkaasi.
Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa waxa uu cod dheer ku sheegay in Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Gobolkaasi aysan Raalli ka ahayn, kana noqon doonin Wasiiradda dhowaan loogu dhawaaqay Kismaayo, isagoona ku tilmaamay mid waxkama jiraan oo lagu Fashilmay.
Sidoo kale, Waxa uu tilmaamay in xiligaani iyo wixii kadambeya aysan aqoonsaneen Wasiirada uu soo magacaabay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Kismaayo, Axmed Madoobe, kuwaasi oo uu xusay inaysan matalayn Shacabka Reer Gedo, maadaama uu kasoo xulay Kooxdiisa Raas Kambooni.
Dhanka kale, waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in il-gaar ah ay ku eegto qaabka loo magacaabay Golahaasi, waxa uuna si ganbasho la’aan ah u sheegay in Axmed Madoobe uu soo xulay rag asxaabtiisa ah oo uu u arko inay fulinayaan rabitaankiisa.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨