2: 209 Jeer.
Goormee Lionel Messi ku soo laabanaya xerada tababarka Barcelona?
Waxaa Qoray: Hoos ka fiiri
Weeraryahanka xulka Argentina Lionel Messi ayaa lagu wadaa in mudo 7-maalmood gudaheeda uu dib u amba qaado tababarka kooxdiisa FC Barcelona kadib markii uu kasoo kabtay dhaawacii uu qabay, sidoo kale xidigan marnaba ma uusan nasanin madaama uu xagaagan safaro kala duwan ku tagay dhamaan daafaha caalamka sidaa darteed Messi ayaa la xaqiijiyay inuu dib ugu soo laaban doono tababarka kooxdiisa Barcelona 15-ka bishan July oo ku beegan Isniinta dambe,
Messi ma uusan helin nasiinadii uu filaayay madaama xili cayaareedkii 2012/13 uu la soo gaaray ilaa bishii June ee aan kasoo gudubnay weliba kulankii ugu dambeeyay wuxuu xulkiisa Argentina u dhaliyay Hat Trick kulan ay 4-0 kaga badiyeen xulka Guatamala.
26-jirkan tan iyo markii uu Barcelona fasax kasoo qaatay dhamaadkii bishii May ee isla sanadkan wuxuu safray masaafo lagu qiyaasay 90,000 km, wuxuuna booqasho ku tagay dalalka Argentina, Ecuador, Guatemala, Italy, Senegal, Colombia, Peru iyo USA balse haatan diyaar ayuu u yahay inuu sii amba qaado tababarka kooxdiisa Barcelona diyaarna u yahay xili cayaareedka 2013/14 madaama kooxdiisa looga fadhiyo inay difaacato La Ligaha sidoo kalena ay guul ka keento koobka horyaalada Yurub madaama Barcelona labadii sano ee ugu dambeesay aysan ku guuleesanin Champion-ka.
Waxaa Qoray: Sakariye Cabdi
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨