1: Thursday, June 5, 2014 - 12:47:01
2: 229 Jeer.

Gawaarida aan Qaraxa karin oo maanta loogu deeqay DFS

Waxaa Qoray:

Wararka laga helaayo dhanka DFS ayaa sheegaya in Dowlada Dalka Imaaraadka Carabta ay gaadiid nooca aan rasaasta Karin ugu yaboohday dowladda Somalia.

Saraakiil ka socday Dowladda Imaaraadka ayaa goor dhow waxa ay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan DFS gudoonsiiyeen gawaari nooca aan xabaduhu karin oo gaaraya illa 11 baabuur.

Munaasabada deeqdan lagu guddoonsiiyay dowladda ayaa ka dhacday xarunta safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay ka hadleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia iyo Imaaraadka.

Sidoo kale,Danjiraha isu tagga Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Maxamed Ahmed Alcosmaan oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in deeqdan Imaaraadka Carabta ay ugu tala gashay dowladda federaalka Soomaaliya si ay u xoojiso xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in isu tagga Imaaraadka Carabta ay kaalmooyin bini’aadanimo soo gaarsiin doonto Soomaaliya bisha barakeysan ee Ramadaan oo nagu soo fool leh.

Dhanka kale, Waxaa isna munaasabada ka hadlay agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Taabit oo ka gudoomay safiirka deeqda baabuurta aan rasaastu karin, waxa uuna uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka Carabta deeqdan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨